Ciidan Boolis ah oo lagu bedelay ciidamada Asluubta ee rasaaseeyay gawaaridii galbinaysay madaxweyne xasan shiiq

4″ June ” 2021 ” Muqdisho Friday

Ciidamo Boolis ayaa lagu wareejiyay baraha koontaroolada magaalada Muqdisho oo ay hore askar ka tirsan Ciidanka Asluubta uga howlgali jireen.

Barahan Koontarool ee ku yaallay agagaarka Dekeda Muqdisho, Wadada hormarta Maxkamadda Gobolka, Xabsiga Dhexe iyo Kawaanka Malayga ayaa waxaa haatan wixii ka dambeeya ka howlgali doono ciidamo Boolis ah.

sababta loogaga qaaday barahan Ciidankii Asluubta ayaa ah kadib markii ay ku lug yeesheen isku dhacyo dhowr ah oo ay u dambeysay dhacdadii maalin ka hor ka dhacday agagaarka Kawaanka Malayga oo lagu rasaaseeyay kolonyo uu la socday Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Ka qaadista ciidamada asluubta ee barahan koontarool ayaa waxaa ay ku soo beegmeysaa xilli uu taliyaha ciidamada asluubta General Mahad uu sheegay in ciidamadii rasaasta ku ridey kolonyada uu saarnaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ay ku saxsanaayeen maadaama rasaas lagu soo ridey.

XILDHIBAAN MAHADA SALAAD AYAA SOO DHAWEEYAY TALAABADAAS WAXAANA UU PAGE KIISA KU SOO QOERAY SIDAN

Leave a Reply