26″ April “2021” Muqdisho
Waxaa socda dadaallo la doonayo in lagu dhex-dhexaadiyo Ciidamada Dowladda iyo kuwo millateriga ah ee taabacsan Mucaaradka.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in ay socdaan dadaallo ku aadan in Ciidamo AMISOM ah lakala dhex dhigo labada Ciidan ee Muqdisho isku hor fadhiya, waxaana Ciidankaasi ay la wareegi doonaan sida qorshuhu yahay goobaha shalay illaa xalay isku dhacyada ka dhaceen, si loo baajiyo dagaal kale oo mar kale dib uga qarxa Muqdisho.
Wararku waxaa ay intaa mu darayaan in dadaaladi ay waddo Beesha Caalamka oo saameyn ku leh arrimaha siyaasadda Soomaaliya, waxaana Wakiilada Beesha Caalamka ee fadhigooda yahay Xalane oo saacadihii u dambeeyay shirar gaar u socday ayaa waxay Midowga Afrika kala hadlayeen in dib u eegis lagu sameeyo kaalinta howlgalka AMISOM iyo waajibaadkooda ku aadan Nabad Ilaalinta, waxaana wali socda dadaalada sida wararku sheegayaan.
Shalay ilaa xalay Magaalada Muqdisho waxaa si yaabo kala duwan uga dhacay dagaallo goos goos ah oo u dexeeya Ciidanka Dowladda Federaalka iyo Ciidamo Millateri ah oo taabacsan Madaxda Mucaaradka ah, kuwaasi oo horay u sheeciyay in ay si weyn kaga soo hor jeedaan muddo koror siga loo sameeyay Farmaajo.