Saacadihii lasoo dhaafay Ciidanka Danab ayaa howl galo amniga lagu xaqiijinayo waxa ay ka fuliyeen degaanno iyo degmooyin ka tirsan Gobalka Mudug.
Ciidanka ayaa si gaar ah waxa ay howl galladaan oo ammaanka lagu xaqiijinayay ay ka sameeyeen degaano hoostaga degmada Hobyo oo ka tirsan Gobolka Mudug ee Maamul Goboleedka Galmudug.

Saraakiisha Ciidanka oo warbahinta la hadlay ayaa sheegay in ay howl galkaan kaga go lahayeen sidii ay u sugi lahaayeen ammaanka deganadaas, waxaana ay sheegeen in ay la dagaalamayaan dagaalamayaasha Al-shabaab oo sida ay sheegeen degaankaas weeraro kusoo qaada.
Ciidanka ayaa sida la sheegay waxaa ay kasoo ruuqansadeen saldhig ay Ciidanka Danab ku leeyihiin Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
Si kastaba Saraakiisha howl galka hoggaaminaya waxa ay sheegeen in ay sii wadi doonaan howl galada noocaas ah ee ay ku sugayaan ammaanka degaanadaas.