Ciidanka dowladda oo saaka la wareegay laba deegaan oo muhiim ah

Ciidanka Xoogga dalka iyo dadka degaanka oo garab ka helay Ciidamada ATMIS,ayaa Goordhaw kooxada Argagaxisada Al-shabaab kala wareegay Degmada Buurweyn iyo Degaanka Show oo katirsan Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan, ayaa ka dambeyay markii kooxada Argagaxisada ay xalay weerar Arbushaad ah kusoo qaadeen Degmada jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha Degmada jalalqasi Nuur Maxamed Absuge Nuur dheere, ayaa hoggaaminayay howgalka, sida uu Warbaahinta Qaranka u sheegay Abaanduulaha Ciidanka Degaanka Degmada jalalqasi Nuur Ibraahim Fiiqow oo qeyb ka ah Saraakiisha hoggaaminyay howlgalka.

Gobalka Hiiraan ayaa ka mid ah meelaha Khawaarijta cashir lama ilabaan ah loogu dhiggay.