Ciidanka Dowladda oo Sheegay In,ay Dileen Xubno Ka Tirsan Al-Shabaab

Ciidanka kumaandooska Xoogga dalka ee DANAB ayaa howlgal ka dhan ah Al-shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaanka Koban oo hoostaga degmada jamaame ee Gobolka Jubada hoose.

Howlgalka ayaa ciidanka waxeey ku dileen Sarkaal la sheegay inuu Shabaab u qaabilsanaa Maaliyada gobolka Jubada hoose kaasi oo lagu  magacaabiisa lagu sheegay Cali Garwayne iyo xubnola socday, sida uu Idaacadda Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska xoogga dalka danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin

Taliyaha ayaa sidookale tilmaamay in ciidanka sidookale ay wadada udhexeeysa jamaame iyo Kismaayo  kasoo saareen miinooyin ay wada galiyeen Al-shabaab kuwaasi oo ay doonayeen inay ku dhibaateeyaan shacabka isticmaala wadadaasi, waa sida uu hadalka u dhigay.

G/le Ismaaciil ayaa sheegay in howlgalka bur-burinta uu socda islamarkaasna ujeedkiisu yahay sidii Al-shabaab looga saari lahaa deegaanada Gobolka Jubbada Hoose kaga sugan sugan yihiin

Leave a Reply