21- December-2023
18 ka mid ah shaqaalaha markabka weyn ee Ruen ee lagu haysto biyaha Soomaaliya, iyadoo uu socdo baadi-goobka markabka oo maalmo kahor koox burcad-badeed ah ku afduubtay gacanka cadmeed.
Ciidamada Midowga Yurub ayaa sheegay in ay la shaqeynayaan maamullada Soomaalida ah, gaar ahaan Puntland si ay usoo furtaan markabka la afduubay.
壯陽藥Waa afduubkii ugu horreeyay ee lagu guuleysto oo ay ku lug yeeshaan burcadbadeedda Soomaalida tan iyo 2017-kii.
Markabka waxaa maamula shirkadda maraakiibta ee Bulgarian Navibulgar. Maamulka Bulgaria ayaa sheegay in shaqaalaha markabka ay u kala dhasheen Angola, Bulgaria iyo Myanmar.
Ciidamada badda ee Midowga Yurub ayaa sheegay in markab dagaal oo Isbaanish ah la geeyay xeebaha Soomaaliya si uu xog dheeraad ah u ururiyo.
Dhacdadan ayaa ku soo beegantay iyada oo xaaladda ammaan ee Badda Cas sii xumaanayso, oo Xuutiyiinta Yemen ay bartilmaameedsanayaan maraakiibta ganacsiga ee kusii jeeda Israel, oo dagaal kula jirta ururka Xamaas ee Gaza.
Shan qof oo Soomaali ah ayaa la qabtay kadib markii ay isku dayeen in ay afduubtaan markab ganacsi oo marayey gacanka Cadmeed.