Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan Gobolka Hiiraan

12″ September “2022” Hiiraan

Ciidanka Xoogga iyo dadka deegaanka ayaa Al-shabaab kala lawareegay deegaano dhowr ah oo ku yaalla Koofurta gobolka Hiiraan, sida ay sheegtay Dowladda Soomaaliya.

Deegaannada xalay laga saaray Al-shabaab ayaa kala ah Xarar-lugoole iyo Fidow oo dhaca Koofurta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, waxaa jira khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay howgallada ay Ciidanka ka samaynayaan Gobolka Hiiraan, walow tirada rasmiga aan weli la caddeyn.

Maalmihii la soo dhaafay 壯陽藥 deegaannada Gobolka Hiiraan waxaa ka socda abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaab, kuwaasi oo ay hormuud u yihiin dadka deegaanka.

Leave a Reply