24″ Aug”2022″

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo kashanaya dadka dega deegaannada galbeed ee Beledweyn ayaa sameeyay howlgallo lagu xoreeyay 3 deegaan oo dhaca galbeedka Beledweyn.
Ciidamada ayaa lawareegay deegaannada kala ah
Wardhabeelle Baar iyo Luuq-jelow waxana deegaanadaas iskaga baxay maleeshiyaadka Al-Shabaab ee dadka degaanka dhibaato joogta ah kuhayay.

Wasiirka wasaaradda Amniga dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdiraxmaan kheyre ayaa booqdey deegaannada laga xoreeyay Al-Shabaab wuxuuna bogaadiyay howlgalkan balaaran.
Guddoomiye ku-xigeenka Siyaasadda iyo maaliyadda Gobolka Hiiran abuukar Cabdulahi Maadey ayaa sheegay in howlgalkan ay ka qeyb qaadanayaan dadka deegaanka.
Taliya ku-xige犀利士 enka qeybta 27aad ee cidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Col Isaaq Shambal ayaa shregay in howlgalkan uu yahay mid lagu so afjarayo maleeshiyaadka Al-Shabaab.