Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka fuliyay Hirshabeelle iyo Galmudug

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 24-aad ee Khaalid binu walid ayaa hawlgal lagu bur buriyey fariisimo ay Khawaarijtu lahaayeen ka sameeyey deegaanno dhaca xadka gobollada Shabeellada dhexe iyo Galgaduud.

Hawlgalkan oo ahaa mid qorshaysan ayey  ciidanka xoogga dalku ku bur buriyeen fariisimooyin Khawaarijtu ku lahaayeen dhulka hawdka ah ee dhaca deeganadaas, kuwaas oo ay ku dhuumaalaystaan iyaga oo  doonaya iney isku aruursadaan dhagarna ka soo maleegaan

Saraakiisha hoggaaminaysay hawlgalka ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyey in hawlgalkan uu ahaa mid guulaystay, laguna naafeeyeey cadawga argagixisada oo damacoodu yahay dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed.

Ciidanka xoogga dalka Soomàaliyeed ayaa hawlgalo lagu ciribtirayo Khawaarijta ka wada gobollada dalka, kuwaas oo qasaaro baaxad leh lagu gaarsiiyey argagixisada.

Leave a Reply