Ciidanka Xoogga oo la wareegay gacan ku haynta Degmada Ceelgaras iyo laba xildhibaan oo ku geeriyooday dagaalka Ceelgaras

11-Sept-2023

Ciidanka Xoogga oo la wareegay gacan ku haynta Degmada Ceelgaras iyo laba xildhibaan oo ku geeriyooday dagaalka Ceelgaras

Wararka ka imaanaya Gobolka Galgaduud, gaar ahaan magaalada Ceelgaras ayaa sheegaya in goordhaweyd ay Ciidanka Xoogga dalka ay si buuxda ula wareegeen Magaaladaasi.

Wararku waxaa ay sheeegayaan in Ciidanka Qaranka oo kaashanaya Ciidanka Difaaca Shacabka ayaa si buuxda ula wareegay Magaalada Ceelgaras ee Gobalka Galguduud halkaas oo ahayd xudunta dagaalamaayaasha Alshabaab

Isla wararka Ceelgaras ayaa sheegaya in goodhow qarax xoogan uu ka dhacay gudaha deegaanka Ceelgaras oo ay maanta uun la wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu haleelay gaari ay la socdeen xildhibaano ka tirsan maamulka Galmudug.

Gaariga la qarxiyay ayaa la sheegsyaa inay la socdeen xildhibaan Maxamed Maxamuud oo ka tirsan baarlamaank Galmudug iyo xildhibaan Cabdullaahi Ibraahim oo isna kamid ah golaha deegaanka Dhuusamareeb.

壯陽藥 e-26.png” alt=”” class=”wp-image-106440″/>

Leave a Reply