Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 252
Warning: Invalid argument supplied for foreach() in /home/dheesqdo/public_html/wp-content/plugins/smart-blocks/inc/generate-css.php on line 46
17″ October “2022” Radio Muqdisho
Waxaa Magaalada Muqdisho si diirran loogu soo dhaweeyay Cayaartooyda Toban iyo todfoba jirada ah ee Xulka Kubadda Cagta Qaranka Soomaaliyeed ee ku soo guuleeystay koobka bariga iyo bartamaha Africa ee CECAFA
Soo dhaweynta waxaa ka qeybgalay Wasiiro Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanada Labada Aqal, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir, Saraakiil, Xiriirka Olympikada, dadweyne aad u tiro badan, Ehelada iyo Asaxaabta Cayaartooyda, Bahda Isboortiga Kubadda Cagta Somaaliyeed.
Xulka Cayaartooyda Kubadda Cagta Soomaaliyeed gaar ahaan 17-rada ayaa dhowaan guul taariikhi ah ka soo hooyay Tartanka Kubadda Cagta 17-ka ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA. taas ayaana aad u farxad gelisay Muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya,
Guushan oo ah tii ugu horreysay ee nuuceeda oo ay Soomaaliya hanato dhanka kubada Cagta koobka.
Cayaartooyda, ayaa ka soo dagay Garoonka,iyagoo sita koobka CECAFA ee Bariga iyo Bartamaha Afrika, iyagoo la kulmay jawi soo dhoweyn oo ah mid aad u sarreeyo ah.
Munaasabad kooban oo Soo dhaweynta ah ee Cayaartooyda ee gudaha Garoonka Aadan Cabdulle loogu sameeyay, waxaa kasoo qeyb galay Madax iyo Mas’uuliyiin, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen. Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga Xildhibaan Cabdifataax Qaasim, Xildhibaan Maxamed Ibraahim Mucalimow, Maxamed Axmed Cantoobo Agaasimaha Guud Arrimaha Bulshada Gobalka Banaadir Basma Caamir Shakeeti, iyo Guddumiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed Cali Shiine.