11- September-2023-
Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Juventus Pogba ayaa si ku meel gaar ah ganaax loogu saaray iyadoo la furay baaritaan la xiriira in uu isticmaalay testosterone, hormoon kordhinaya dulqaadka ciyaartoyda oo hadii lagu helo sababi kara ganaax sanado qaata
Tijaabada, oo la sameeyay ka dib guushii Juve ee 3-0 ee xilli-ciyaareedka Serie A ee Udinese bishii Agoosto 20, ayaa lagu ogaaday
“Iyadoo la aqbalayo tusaalaha uu soo jeediyay Xeer-ilaaliyaha Qaranka ee Ka-hortagga Doping-ka, waxay bixisay ganaax ku meel gaar ah ciyaaryahan Paul Labile Pogba,” NADO Italia ayaa ku tiri hadal ay soo saartay.
Hadii lagu helo danbi ah in uu daroogo isticmaalay, Pogba oo ahaa xidigii France u qaaday koobkii aduunka 2018 waxa uu ganaax ku maqnaan karaa ilaa afar sano. (NADO Italia) maxkamada ayaa sheegtay Isniintii.
Maxkamaddu waxay sheegtay in Pogba uu ku xad-gudbay xeerarka ka-hortagga doping-ka markii ay heleen walaxda mamnuuca ah ee “aan- endogenous testosterone metabolites”, iyada oo intaa ku dartay in natiijadu ay “waafaqsan tahay asalka dibedda ee xeryahooda bartilmaameedka”.
30 jirkaan Pogba ayaa ahaa badal aan la isticmaalin kulankii ay guusha ka gaareen Udinese. Juventus ayaa sheegay in lagu wargaliyay ganaaxa ku meel gaarka ah uuna qiimeynayo talaabooyinka xiga.
Hadii lagu helo danbi ah in uu sameeyay doping, Pogba waxa uu ganaax ku maqnaan karaa inta u dhaxaysa laba ilaa afar sano…Qandaraaska uu kula jiro Juve waxa uu dhacayaa June 2026
Pogba ayaa wakhti labaad oo xun la qaatay Juventus dhaawacyo soo gaadhay tan iyo markii uu ku laabtay Turin ka dib markii uu ka tagay Manchester United sanadkii hore.
Laacibka ku guuleystay Koobka Adduunka 2018 ayaa si dirqi ah u ciyaaray xilli ciyaareedkii hore sababo la xiriira dhaawacyo jilibka iyo muruqa ah iyo sidoo kale qaliin jilibka ah oo u diiday inuu u ciyaaro France koobkii adduunka ee Qatar.
Pogba ayaan wali wax kulan ah ku soo bilaaban xilli ciyaareedkan laakiin waxa uu ciyaaray laba kulan oo badal ah isaga oo kulankii ugu dambeeyay ciyaaray kulankii ay 2/0 ku garaaceen Empoli