Ciyaaryahankii hore ee Jarmalka iyo Arsenal Mesut Ozil ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha

22″ March “2023

Ciyaaryahankii ku guuleystay Koobka Adduunka ee Jarmalka Mesut Ozil ayaa ku dhawaaqay inuu isaga fariistay da’da 34-sano.

Laacibkii hore ee Real Madrid iyo Arsenal waxa uu xubin ka ahaa kooxdii Jarmalka ku qaaday Koobkii Adduunka ee Brazil 2014

Waxa uu ka fariistay xulka qaranka sanadkii 2018 iyadoo ay ka socotay dalka Jarmalka dood siyaasadeed oo ku saabsan qulqulka muhaajiriinta iyo qaxootiga iyo ka dib markii uu ka xumaaday sawir uu la galay madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan, isaga oo sheegay in uu la kulmay “cunsurinimo iyo ixtiraam darro” oo ku saabsan isirkiisa Turkiga.

“Waxaan ku dhawaaqayaa in aan si degdeg ah uga fariistay kubada cagta. Waxaan fursad u helay inaan noqdo ciyaaryahan kubbadda cagta ah muddo haatan laga joogo 17 sano, waxaana dareemayaa inaan si cajiib ah uga mahadcelinayo fursadda,” Ozil ayaa ku yiri hadal uu soo dhigay bartiisa bulshada Arbacadii.

“Laakiin toddobaadyadii iyo bilihii dhawaa, iyadoo sidoo kale ay soo gaareen dhaawacyo qaar, waxay noqotay mid aad u cad in la joogo waqtigii laga tagi lahaa marxaladda weyn ee kubada cagta.

Ozil ayaa u mahad celiyay taageerayaashiisa oo u muujiyay jacayl aad u badan iyadoon loo eegin duruufaha iyo kooxda aan matalo