Dalka Itoobiya oo xarun u ah ururka Midowga Afrika, waxaa in muddo ahba ka jiray colaado sokeeye oo u dhaxeeyay maleeshiyaadka qaar ka mid ah qowmiyadaha iyo ciidanka milatariga dowladda federaalka.
Waxaa jira warar sheegaya in dhawaan ay dhaceen howlgallo millatari, weeraro ay fuliyeen fallaagada, duqeymo dhanka cirka ah oo loo gaystay tuulooyin, dad la gowracay iyo dhacdooyin kale oo naxdin leh.
Itoobiya: Dagaalo u dhaxeeya Maleeshiyada Fano Iyo Askarta u daacada Maamulka Abiy oo ka dhacay magaalada Shewa Robit ee Waqooyiga Gobolka Axmaarada khamiistii Iyo Jimcihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhashay dhimasho naxdin leh oo ku timid caruur uu ka mid yahay ilmo yar oo afar bilood jir ah, waxaana ku dhaawacmay tiro kale sida ay sheegeen ilo deegaanka ah.