29: March : 2021″ Dheeho.com Editorial Elmi Osman Farah
Somalia ” Covid-19 ayaa Noqday Masiibo Laga Raadiyay Macaash Siyaasadeed !!
KAALINTA ADAG EE COVID-19 UU ISKA TAAGAY SOOMAALIYA
Somalia oo guud,ahaan dadka u dhintay xanuunka coronavirus ay tiradoodu gaareeyso 10,977 qof ayaa waxaa bilihii ugu danbeeyay kor u sii kacayay dhibaatada cudurka coronavirus oo noqday mid si,dhaw aafadiisu u taabtay bulshada .
Wasaaradda Caafimadka Soomaaliya Shaacisay In laba maalin gudahood ay cudurka coronavirus soomaalia ugu dhinteen dad gaaraya 32 qof.Halka kiisaska laba maalin la helay ay gaarayaan 436 qof oo dalka oo dhan ah taas ayaana ku filan heerka ay gaarsiisan Tahay halista cudurka Coronavirus oo maalinba maalinta ka danbeeysa ay sii kordheeyso tirada dadka u geeriyoonaya xili ay. soomaaliya ku jirto xaalad kala guur ah iyo loolan sii xoogeeysanaya oo xaga siyaasada ka dib 8 dii February markii ay dhamaatay mudo xileedkii madaxweynahii hore ee maxmed c/laahi farmaajo
MURAN IYO MACAASH RAADIN
Masiibada covid – 19 , Inkastoo uu meesha ka saaray kulamadii ay yeelan jireen bulshooyin caalamka oo dunidu waayahan danbe ay isugu soo ururtay aalada Fogaan ,araga hadaana soomaalia oo ka mid ah dadyoowga uu aafeeyay Covid -19 waxaa jirta shacab iyo dowladba in si, joogta ah loo jabiyo xeerarka covid-19 oo aan ogoleeyn in laysu yimaado .
Gudoonka baarlamaanka soomaalia ayaa ku dhawaaqay kulan looga doodayo CORONAVIRUS hase yeeshee markii danbe abuuray tuhun la xiriira in looga gol,leeyahay mudo u kordhinta madaxweynaha ,iyo baarlamaanka waqtigoodu dhamaaday ” oo loo tiiriyo In ay ku guul,dareeysteen qabashada doorasho lays, la ogol yahay .
Waxayna taasi oo durba soo ifbaxday markii uu fashilimay kulankii la huwiyay bustaha covid -19 oo ay ka horymaadeen xildhibaano ka biyo diidanaa mudo kororsiga ay madasha diidmo ka muujiyeen
Inkastoo markii hore dareenka caalamka uu soo jaleecay xagaa iyo hawada soomaaliya oo ay ka soo yeertay hadal dhagaha soo jiidan kara oo ku saabsan aafada corona virus dood la xiriirta in lagu qabanayo muqdisho hadana markii la arkay
1 qaabka ku talagalka dooda oo ah hool laysugu yimid,
2xubnaha kulanka ka qaybgalaya oo Intooda badan Aan wadan af,xirasho ,
3 In aaney jirin qalab lagu ogaado corona virus iska dhaafee xitaa heerka qandhada qofka kasta jirkiisa ku jira ,
4 Qufac saa,id ah oo xubnaha qaar ay celin kari waayeen
Waxaa hoosta laga xariiqay in Ujeedada kulanka uu ahaa In Corona Viruska Laf,ahaantiisa laga ka raadinyay macaash siyaasadeed, sidaas darteed Aad laysuguma jahwareerin doodii covid -19 ee ku dhawaaqay gudoomiye mursal oo ku soo dhamaatay natiijadii la filayay ,
Waxa kaliya ee la dareemay ayaa ah in ay sii kordhisay rajo xumada laga qabi karo in dadka soomaaliyeed ay goor dhaw helaan dowlad u taagan daryeelkooda caafimaad waayo madaxdii dowlada ayaaba ka Ardan fahamka qatarta Covid -19
MAXAA KU XIGAY ?
Mursal oo 5′ Fadhi u diiday In Ay yimaadaan 15 Xildhibaan Wareegto ka soo baxday kusimaha Xafiiska Guddoomiyaha Golaha baarlamaanka ayaa lagu sheegay in xildhibaannada laga joojiyay ka qeyb galka illaa shan fadhi” oo tiradoodu gaarayso 15 xildhibaan lagu eedeeyay inay is hortaageen kulankii maanta oo dadweeynaha soomaaliyeed iyo xildhibaanada qaar rumaysan in ujeedadiisu ahayd mudo u kordhinta dowlada waqtigeedu dhamaaday, taas oo ku fashilantay qabashada doorasho laysla ogolyahay
Musharaxa Mustaf Dhuhulow ” Farmaajo Wuxuu Baarlamaanka Ku Handadayaa Niman Argagixiso Ah oo pistolado Ku hubaysan,
Xildhibaanka mustaf shiiq Cali dhuxuloow oo ah musharax u taagan xilka madaxweynanimada soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in dalka uu farmaajo uu ku sii wado god halis ah .oo u baahan in laga qabto
Musharax mustaf dhuhulow oo ka hadlay arimo badan ooy ugu horeeyso dhinaca amniga ayaa hoosta ka xariiqay in dhalinyaro horey uga tirsanaa kooxda argagixisada ah ee shabaab uu farmaajo u Adeegsaday shalay in baarlamaanka la soo galiyo so,loogu handado xildhibaanda
HALKAN KA DAAWO : HADALKA MUSHARAX MUSTAF DHUHUOW OO DHAMEEYSTIRAN !!
Baarlamaanka Soomaaliya oo qiray in sabtidii ciidamo dheeraad ah la geeyay dhismaha baarlamaanka
Maamulka Golaha Shacabka ee Barlamaanka Federaalka ayaa markii ugu horeysay qiray inay jireen ciidamo dheeraada oo Sabtidii la geeyay dhismaha Barlamaanka oo lagu waday inuu ka qabsoomo kulan ajandihiisa la isku khilaafay.
Maamulka ayaa sidoo kale sheegay in kulankii maanta ee baaqday dib loogu dhigay Arbacada iyadoo uu sidiisii yahay go’aankii dhawr iyo xildhibaan looga joojiyay ka qaybgalka shirrarka golaha shan fadhi.
Xildhibaan Maxamad Cabdillahi Xasan Nuux oo kamid ah nidaamiyayaasha Barlamaanka ayaa BBC-da uga waramay sababta loo baajiyay kulankii maanta iyo walaaca xildhibaannada qaar ee ahaa in ciidamo dheerada Sabtidii la geeyay dhismaha Barlamaanka inta aan loo galin sharci ahaanshaha wixii dhacay waxaa la dhihi karaa waxay ahayd siyaasad daciifnimo in macaash saladanad sii dheereeysi ah laga raaiyo masiibadada COVID-19
Dheeho.com Editorial Elmi Osman Farah Boodhari