Cowsweeyne Maxaa ka Dhacay ?(Warbixin)

26- August-2023

Ciidanka qaranka ee ku Sugan Caws-weyne oo fashiliyey Weerar ay soo qaaday kooxda

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka ayaa fashiliyay weerar ay saaka maleeshiyada Khawaarijta ah ay ku soo qaadeen deegaanka Caws-Weyne oo dhawaan laga xoreeyey.

Ciidanka Qaranka oo hayay xogta Khawaarijta ayaa jilibka udhigay Khawaarijta oo watay gawaari qaraxyo ku rakiban yihiin .

Dagaal ayaa wali ka socda nawaaxiga deegaanka.

Ciidamada Qaranka ayaa maleeshiyaadka Khawaarijta ah ka sifeeyay inta badan dhulka Galmudug iyo Hirshabeelle ,waxaana socda dhammaystirka howlgalka.

Wixii faahfaahin ah ee kusoo kordha hawlgalka Caws-Weyne dib ayaan idin kala soo wadaagaynaa Insha allaah.

Leave a Reply