Weeraryahanka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa laga helay cudurka Covid-19 isagoo galay karantiil.
Xiddiga Juventus ayaa laga fasaxay xulka qaranka Portugal isagoo seegaya kulanka UEFA Nations League ee ay la ciyaarayaan xulka Sweden.
“Xiddiga reer Portugal aad ayuu u fiican yahay, wax calaamo ah kama muuqdaan, wuxuuna ku jiraa karantiil.”ayay lagu yiri war ka soo baxay xiriirka kubbada cagta ee Portugal.
“Ka dib markii Cristiano Ronaldo laga helay, waxaa iyagana baaris cusub lagu sameeyay ciyaartoyda kale saaka oo Talaado aheyd, mana jiro ciyaaryahan kale oo laga helay iyagoo diyaar u ah tababarka”ayuu yiri tababare Fernando Santos.
Ronaldo ayaa haatan geli doona karantiil ugu yaraan muddo toban maalmood ah iyadoo la sheegay inaysan ka muuqan wax calaamado ah oo la xiriira cudurk,Ciyaaryahano kale ayaa laga helay cudurka Covid-19 iyagoo ka bogsaday cudurka halka weli kuwa kale uu cudurka hayo