Cristiano Ronaldo oo Lagu Dhagan Yahay Markii uu Gacalisadiisa Darteed U Jabiyay Shuruucda Coronavirus

29″ January “2021” BBC

Lammaanaha, oo sawirkan laga qaaday 2019, ayaa lagu eedeeyay inay jebiyeen shuruucda safarka ee coronavirus

Booliiska Talyaaniga ayaa baaritaan ku wada cayaar yahanka kooxda Juventus Cristiano Ronaldo kaddib markii la sheegay inuu safar u baxay si uu uga qeyb galo dhalashada gacalisadiisa.

Waxaa lagu eedeeyay inuu jebiyay shuruucda Covid-19 isagoo u kala safray gobollada Piedmont iyo Valle d’Aosta.

Muuqaal haatan la tirtiray oo la soo dhigay baraha bulshada ayaa muujinaya lammaanaha oo ku sugan hoteel buuraha ku yaalla, xilli Georgina Rodriguez ay u dabaal degeysay dhalashadeeda iyadoo 27 jir noqotay.

Talyaaniga ayaa waxaa maalin walba cudurka ugu dhintay boqollaal qof.

Dalkaas waxaa si xun u saameeyay xanuunka safmarka ah markii uu bilowga ahaa sanadkii hore, haatanna wuxuu ku jiraa jahwareer siyaasadeed, isagoo la daalaa dhacaya yareynta kiisaska mowjadda labaad ee xanuunka.

Boliiska Valle d’Aosta ayaa sheegay inay baarayaan in lammaanaha ay u safreen hoteelka Courmayeur.

Marka la eego shuruucda Talyaaniga, waxaa mamnuuc ah in la isaga kala goosho gobollada ay digniinta Covid ka jirto ee Qadka Oronjaha loo yaqaanno, marka laga reebo sababo shaqo amaba haddii ay yihiin hoygaaga labaad.

Wararka warbaahinta Talyaaniga ayaa sheegaya in lammaanaha ay Talaadadii u safreen ayna ku hoydeen hoteelka kahor inta aysan Arbacadii ku laaban Turin, oo ah saldhigga Naadiga Serie A ee Ronaldo.

Rodriguez, oo dharka xayeysiisa, ayaa sawirka la wadaagtay 23m oo ku xiran barteeda.

Leave a Reply