Raysilwasaare xamza oo la kulmay dhalinyarada iyo culumaaudiinka soomaaliada isaga oo ka talo,galinaya golaha xukuumada uu soo dhisayo

25″ July ” 2022″ SONNA

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Kulan La Qaatay Qaar Kamid ah Dhallinyarada Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse  Cabdi Barre, oo sii wada wadatashiyada ku saabsan dhismaha Xukuumadda, ayaa kulan la qaatay qaar kamid ah dhallinyarada Soomaaliyeed.

Kulanka inta uu socday, ayaa Ra’iisul Wasaaraha iyo dhalinyarada qey-bahooda kala duwan, waxa ay is dhaafsadeen su’aallo ku aaddan xukuumadda uu soo dhisayo, iyo sidii ay fursado shaqo ugu abuuri lahayd dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa boggaadiyey doorka dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku aaddan ka qeyb-galka horumarka, isagoo xusay in ay yihiin mustaqbalkii dalka, taladooduna ay tahay mid wax tar leh oo lagu kaabayo dowladnimada.

R/Wasaare Xamza oo culumaaudiinka soomaaliada ka talogaliyay golaha xukuumada u壯陽藥 u soo dhisayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku guda jira kulamo iyo wadatashiyo muhiim ah oo uu la yeelanayo qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada.

Raiisul Wasaaraha, ayaa qeybaha uu maanta qaabillay waxaa ka mid culamaa’udiinka Soomaaliyeed, oo uu ka dhageeystay tallooyin kooda wax ku oolka ah ee ku wajahan Xukuumadda.

Ra’iisul Wasaare Xamse,ayaa sheegay in si uu u soo dhiso Xukuumad tayo leh, isuna dheelli tiran, ay lagama maarmaan u noqotay in waqti ku filan uu geliyo la tashiyada uu la sameynaayo qeybaha kala duwan ee ururrada bulshada iyo siyaasiyiinta dalka.

Leave a Reply