Cumar C/Rashiid oo ka digay heshiis amni oo dhex-mara Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya

Muqdisho-KNN-30 March ” 2021

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna Senator ka tirsan golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa twitterka waxuu ku shaaciyey heshiis qarsoodi ah oo ay qorsheynayaan hoggaamiyeyaasha Itoobiya, Eritrea iyo madaxweyne Farmaajo.

Senator Cumar C/Rashiid ayaa qoraalkiisa ku shaaciyey in heshiiskaas oo ah mid amni uu khatar ku yahay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhiga.

Waxa uu sheegay in seddaxda masuul ay qorsheynayaan in dhawaan heshiiskaas ay ku kala saxiixdaan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Senator Cumar Cabdirashiid ayaa qoraalkiisa ku yiri,  “Heshiiska amni ama difaac ee la isla dhex-marayo ee u dhaxeeya Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya waxa uu noqon karaa arrin khatar keeni karta oo u baahan in fiiro gaar ah loo yeesho. Sababtoo ah, si xun u adeegsiga aan dhammaadka lahayn ee waaxda amniga, waxay noqon doontaa arrin wallaac dhab ah leh, haddii dowladda federaalka ee waqtigeedu dhammaaday ay isku daydo in heshiis noocan ah ay ku saxiixdo Addis Ababa.”

Warkan ka soo yeeray Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii lasoo dhaafay la hadal hayey inuu ka baaqday safar la sheegay in madaxweyne Farmaajo uu ku aadi laha Addis Ababa ama Asmara, kadib markii cadaadis la xariira heshiis la’aanta doorashada dalka uu uga yimid beesha caalamka.

Leave a Reply