Cumar Cabdirashiid oo Afar Sanno Kadib Muqdisho Ku Laabtay

Thursday 2″ Dec ” 2021″Muqdisho

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay ugu dambeysay sanadkii 2017, xilligaas oo markii uu xilka Ra’iisul Wasaarenimo wareejiyay dalka犀利士 ka tagay.

Cumar C/rashiid ayaa waxaa saaka garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay qaar ka mid ah Xubnaha Midowga Musharaxiinta iyo Mas’uuliyiin hore.

Iasagoo kula hadlay saxaafada garoonka diyaaradaha ayaa waxaa uu sheegay in xaalad xasaasi ah uu dalka ku jiro, waxa hadda socda ee qaladaadka doorashada ka jira uu salka ku haayo habraacii doorashada ee August, mar uu is lahaa doorashada iyo Midowga Musharaxiinta ayaa ku biiri doontaa, balse xaalada ay hadda cakiran tahay.

Leave a Reply