Muqdisho- Aug” 26″ Thursday ” 2021
–War qoraal ah oo uu soo dhigay bartiisa Twitterka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa waxaa uu kaga hadlay shirkii Golaha wadatashiga ee shalay lagu soo geba-gabeeyay Magalada Muqdisho, isagoona madaxda maamul gobolada ku tilmaamay in ay ku guuleysteen xoojinta awoodda ay ku leeyihin Doorashooyinka marka la eego kaalinta ay ku leeyihiin soo xulista Odoyaasha iyo Ergada soo dooranaya xildhibaanada golaha shacabka.
Cumar Cabdirashiid ayaa waxaa uu dalbaday in dib u eegis degedeg ah lagu sameeyo warmurtiyeedkii kasoo baxay shirka golaha wadatashiga qaranka, si looga fogaado dib u dhac ku yimaado doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS oo loolan ay u galayaan Musharixiinta u tartameysa.
“ Hoggaamiyayaasha goboladu waxay ku guuleysteen inay xoojiyaan awoodda ay ku leeyihiin doorashooyinka aqalka hoose. War-犀利士 murtiyeedka ayaa wax u dhimey hufnaantii geedi-socodka oo haddii aysan helin taageerada dadka Soomaaliyeed, waxaa laga yaabaa inay kiciso xiisado cusub oo laga yaabo inay rabshado dhacaan. Dib -u -eegis degdeg ah ayaa loo baahan yahay” ayuu yiri Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.
Hadalkan kasoo baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa kusoo aadaya, iyadoo horay sidaan oo kale walaac ay kaga muujiyeen midowga musharaxiinta hanaanka ay u socdaan doorashooyinka labada aqal
