Cumar Cabdirashiid oo si adag ugu hadlay qoraalka kasoo baxay NISA

5″ April ” 2022

Ra’iisal wasaarihii hore Soomaaliya sidoo kalena Madaxweyne Goboleed kasoo noqday Puntland Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa ka hadlay qoraalka NISA ee la xiriirta dilka Al-shabaab ay u qorsheeyeen Madaxweyne Farmaajo iyo RW Rooble.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka ayuu Cumar Cabdirashiid ku sheegay in qoraalka Hay’adda NISA ay muujineyso argagaxa Nabad iyo Nolol ee ku aaddan qabsoomida doorashada.

Wuxuu hadalkiisa intaa ku daray in haddii lasoo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, ay hay’addu
noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada.

“Si kastaba ha ahaatee, digniintii ugu dambeysay ee twitter-ka ee NISA waxay muujineysaa argagaxa N&N ee ku aaddan qabsoomida doorashada. Haddii aan la soo saarin tillaabooyin ku filan oo lagu xakameynayo madaxda NISA, hay’addu waxay noqon doontaa tiyaatarka lagu qorsheynayo hawlo xunxun oo khatar gelinaya doorashada” Ayuu yiri Cumar Cabdirashiid.

<犀利士 !– /wp:paragraph –>