DHUUSAMAREEB
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Cumar Maaxmed Maxamuud Cumar Filish ayaa maadxweyne farmaajo uga mahadceliyay qaabkii uu dadaalka ugu bxiiyay maqaamka muqdisho, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay ahayd guul usoo hoyatay shacabka Muqdisho.
Waxaa sheegay in farmaajo uu Xildhibaanada labada aqal ka codsaday in ay ansixiyaan Matalaadda Gobolka Banaadir, sidoo kale waxaa uu mahad gaar ah u jeediyay Xildhibaanada Golaha shacabka.
Cumuar Filish oo khudbad Dhinacyo badan taabanaysa ka jeediyay xafladda xiritaanka shirkii Dhuusamareeb ayaa sheegay in Madaxda dowladda iyo dowlad goboleedyada ay isla qaateen aragti wanaagsan doorashooyinka soo aaddan, waxaana uu sheegay in maadxda maqan iyo madaxda joogta dhammaantood looga baahan yahay dar dar galinta waxyaabaah kasoo baxay shirkaas.
Sidoo kale waxaa uu mahad gaar ah u celiyay Madaxweyne Axmed cabdi Kaariye Qoorqoor oo uu sheegay in uu qabtay howl u baahan adkeysi iyo dadaal dheeraad ah.
Dhammaan maadxda kala duwan ee Munaasabadda ka hadlay ayaa bogaadin iyo ammaan u jeediyay Maadxweynaha Galmudug, waxaana sidoo kale Cumar filish uu baaq u diray madaxda ka maqnaa shirka