25,November 2020 Muqdisho Bbc Somali.com
Cumar Maxamuud Maxamed (Filish), oo ah Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho ayaa jawaab u diray musharraxiinta madaxweynenimada Soomaaliya ee maanta go’aanka kasoo saaray shirkii muqdisho uga socday.
Cumar Filish ayaa sheegay in hannaanka doorashada uu yahay mid horay looga heshiiyay.
“War-saxaafadeedka ay soo saareen waxaa ka mid ah wax lagu qoslo oo ah inay yiraahdeen ‘guddiga ha la kala diro’, waana doorashadii ay lahaayeen ‘hala wanaajiyo’, oo ay ku eedeynayeen dowladda inay waqtiga badsan rabto. Waad ogtihiin in la isu yimid, anigana waxaan ka mid ahaa dadkii la yiri nidaamka wax kasoo dhisa, waxaana la isku raacay in doorashadu ay noqoto doorasho dadban.
XAYEEYSIIN”

“Heshiiskii dowlad goboleedyada iyo dowladda federaalka wuu yaallaa, mucaarad qeylinayana ma jirin, maxaa yeelay wixii ay iyagu ku talinayeen ayaa la yeelay,” ayuu yidhi Cumar Filish.
Dad sida muuqatay uu ula jeeday mucaaradka ayuu ku eedeeyay inay faafiyeen warar been abuur ah oo xitaa mid ka mid ah lagu sheegay in isaga qudhiisa xilka laga qaaday.
“Waxyaabaha ay maanta soo saareen waxaa ka mid ah, ‘hebel xilka haka dago’, taasna iyagu xaq uma laha. Hebel haddii la doortana waqtigii la doortay ayuu sugayaa, haddii la magacaabana cidda magacowday ayaa ka dajin karta, waad maqasheen baryahaan waxay alifeen Cumar xilka waa laga qaaday, taas ayagaa iska leh oo yidhi, sababtoo ah waxaa la yidhi waa nin aan fowdo yeelenin, haddaan idiin sheegayaa anigu fowdo yeeli maayo.”

Shirkii musharraxiinta mucaaradka ayaa laga soo saaray go’aanno uu ka mid ahaa in guddiyada doorashada la kala diro
Dhanka kale, Guddoomiye Cumar Filish ayaa hadal adag ku sheegay in doorashada aan la carqaladeyn karin, xilligii loogu talagalayna ay ku dhici doonto.
“Doorashadu way dhaceysaa, si nabad ah ayey ku dhaceysaa, waxay ka dhaceysaa halkan, waxay ka dhaceysaa dowlad goboleedyada, waqtigeeda ayey dhaceysaa, qof hor istaagi karaana ma jiro.”
‘Bootadooda car afka hasoo dhaafto’
“Anigu fowdo ma yeelayo, bootada ay aqrinayaanna afkooda masoo dhaafeyso, car hasoo dhaafto. Haddey soo dhaafto maxaa dhacaya?, haddey soo dhaafto afkooda, meeshii laga soo diray ayey u carari doonaan,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Cumar Filish.

Guddoomiyaha gobolka ayaa ganacsatada ka codsaday inaysan “lacago baad ah” siinin Al-Shabaab
Hadalka Cumar Filish, oo uu ka yidhi goob fagaare ah, ayaa yimid saacado yar kaddib markii afhayeenka musharraxiinta Soomaalia, Ridwaan Xirsi Maxamed, uu magaalada Muqdisho ka aqriyay war murtiyeed laga soo saaray shirkii 12 musharrax oo Farmaajo kasoo horjeeda ay yeesheen.
Go’aannada kasoo baxay shirkaas waxaa ka mid ahaa in musharraxiinta Mucaaradka ay ku hanjabeen inay doorasho kale sameyn doonaan haddii shuruudahooda la fulin waayo.
Dowladda federaalka ayey ku eedeeyeen in guddiga doorashada ay ku dartay xunbo ka tirsan nabad sugidda iyo shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, kuwaasoo sida ay sheegeen “la doonayo in ay u adeegaan musharraxaha hadda xilka haya”
