23″ October “2022

Fatahaado xoogan ayaa xalay fiidkii ku soo rogmaday magaalada Qardho ee maamul-goboleedka Puntland, kaddib markii roobab xooggan ay isla xalayilaa shalay galab ka da’deen deegaanno ka ag dhow magaaladaasi.
In kastoo aan khasaare 犀利士 rasmi ah la soo sheegin haddana wararka waxay sheegayaan in biyaha ay go’doomiyeen dad badan oo ku nool xaafahadaha qaar.
Waxaana xalay magaalada ka go’day korontada, arrintaa oo adkeysay in dadku ay isu gurmadaan.
Laba sano ka hor ayay ahayd markii sidan oo kale ay daadad xooggan ku dhufteen magaalada Qardho kuwaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh.