Daah furka Istraatiijiyadda Maamul ee Biyaha Qaranka ooy qabtay wasaarada Tamarta

Sunday” 03 October” 2021″ Muqdisho

Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daah furtay Istraatiijiyadda Maamulka Khayraadka Biyaha ee Qaran, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirro, khubaro, iyo masuuliyiin kala duwan.

Istraatijiyaddan oo salka ku haysa aragtida ku qeexan Qorshaha Horumarinta Qaran ee NDP9 (2020-2024) ayaa ku salaysan yoolal ay ka mid yihiin; sare u qaadidda kaalinta ay biyuhu ku leeyihiin kobaca dhaqaale iyo badqabka bulshada犀利士 Soomaliyeed, xoojinta hannaanka maaraynta isku dhafan ee khayraadka biyaha, sare u qaadidda u adkaysiga musiibooyinka, iyo xaqiijinta sinnaanta, kordhinta wax soo saarka, bixinta adeegyo wax ku ool ah.

Xafladda daahfurka ayaa waxaa lagu soo bandhigay guudmeerka Istraatiijiyadda Qaran iyo wadiiqooyinka ku xusan, iyadoo daaha laga rogay qaabka fulineed ee lagu taabba galinayo Istraatijiyaddan, oo ay qayb ka yihiin tiro mashaariic ah, oo mudnaan u leh horumarinta biya dalka.

Agaasimaha Waaxda cabirka iyo saadaasha biyaha Wasaaradda Tamarta iyo Kheyraadka biyaha XFS Mudane Axmed Maxamed Xasan ayaa faah faahiyay muhiimada ugu weyn ee loo dajiyay qorshaha istaraatiijada maamulka kheyraadka biyaha qaranka.

Wasiiradda wasaaraha  tamarta iyo kheyradka biyaha dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Galmudug Maxamed Axmed Kaarshe iyo  Maxamed Xuseen oo ka  hadlay xaflada ayaa ka sheekeyay Daruufaha biya la,aaneed  ee ka jira deegaanada ay ka imaadeen.

Wasiirka wasaradda Beeraha ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya Saciid Xasan Ciid  ayaa ka sheegay xaflada daah-furka intaraajidaha maamulka kheyraadka biyaha sharcigaan  in uu u adeegayo kor uqaadista  wax soosaarka dalka.

Wasiirka wasaarada tamarta iyo kheyraadka biyaha XfS Mudane Xasan Cabdi Nuur oo  daah furay  xaflada  ayaa sheegay shacabka soomaliyeed intabad in ay ku jiraan labo marxaladood masiiba ku ah shacabka sidda fatahaado iyo biyo la,aan.

Inta ay soctay xaflada waxaa lagu soo bandhigay  Docment ka hadlayo masiibo bili,aadminimo ee ka dhalatay biyaha oo ku  bata dhulka ay wabiyada maraan  iyo biyo la,aan ka jirta dhul fog oo miya ah.

Leave a Reply