Daahfurka mashruuc dekedd kaluumaysi oo laga hirgeliyey magaalada Hobyo.

Saturday ” Sep” 25, ” 2021” Hobyo

Wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Md. Cali Daahir Ciid iyo wasiirka Dekedaha iyo kaluumaysiga DG Galmudug Md. Abdisabir Shurie iyo wasiirka amniga axmed macalin fiqi ayaa ka qaybgalay daahfurka mashruuc Dekedda Kaluumaysiga laga hirgeliyey magaala xeebeedka qadiimiga ah ee Hobyo.

Munaasabadda oo si heer sare ah loo soo agaasimay waxaa Goobjoog ka ahaa xildhibaanno iyo wasiirro ka tirsan labada gole ee Dawladda Federaalka, xildhibanno iyo wasiirro Galmudug ah, maamulka gobolka Mudug, maamulka degmada Hobyo, wafdi ka socday hey’adda WFP iyo Safaaradda Talyaaniga, shirkadda fulisay mashruuca iyo akhyaar kale oo badan.

Mashruuca dekedan kaluumaysiga ayaa waxtar badan u leh kordhinta nolosha iyo dhaqaalaha dadka reer Hobyaad iyo Galmudug guud ahaan, ayadoo wasiirka Dekedaha iyo kaluumaysiga Galmudug uu xusey in mashruucii Dekedda kale ee sida weyn loo soo sugayey qorshaheedii uu gabagabo ku dhow yahay.

Hirgalintan mashruucan ayaa waxaa gacan ka geeystay Dawladda Talyaaniga maalgali

Leave a Reply