Daawo: Madaxwaynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad

Madaxweynaha JFS, mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbadda Jimcaha kaga hadlay muhiimada midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ka digay halista cadowga shisheeye ee kala qaybinta ummadda. Sidoo kale, waxa uu adkeeyay fulinta go’aanka xukuumadda ee ku aaddan la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah.

Madaxwaynaha JFS “Qof dowladda dhaliil waa u qabi karaa, laakiin aniga degaan, qabiil ama jameeco gaar ah xumaan uma qabo.”

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud “Kalmad xun wax matarto, waana aakhiro beel iyo aduunyo beel wada socda, ka dowlad ahaana majirto cid aan u dirsanay in dad Soomaaliyeed aflagaadeeyaan.”

Madaxweynaha JFS “Ka ganacsiga hubka waa mamnuuc, dowladana go’aan adag ayaa uga yaal, cidii lagu qabtaa kuna dagaalanto waalala dagaalayaa iyagana.”