
Daahfurka marxalad cusub oo horumar ku soo kordhinaya Somalia ayaa hada ka bilaabmay Dakadda weeyn ee Magaalada Muqdisho
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeediyey munaasabadda soo dhaweynta markabka sahminaya shidaalka Soomaaliya, taas oo ka dhacday dekedda weyne ee magaalada Muqdisho, wuxuuna fariin xasaasi ah u diray dadka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa aad ugu canaantay dadka Soomaaliyeed is cuuryaaminta dhexdooda ah, isagoo kula taliyey in wax badan laga bedelo hab-dhaqankaan.
“Soomaaliyey walaalayaal kheyraad waan heysanaa, fursadna waan heysanaa ee anagaa isku fadhinee aan iska kacno, adduunyadu sida ay u nooshahay aan u noolaano,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Madaxweynaha ayaa qiray in dhibaato ay ka imaan karto shidaalka markii la qado, hadii aan laga feejignaan, “Waan aragnaa dadka shidaalka soo saartay ee isku dilay iyo kuwa ka faa’iiday labaduna waa ka jiraan caalamka, marka jidka saxan anaga ayaa doora karna,” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa xukuumadda iyo baarlamaanka uga mahadceliyey ansixinta iyo ka shaqeynta heshiiska Soomaaliya iyo Turkiga ee lagu qodayo shidaalka Soomaaliya.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay aad ugu midoobeen arrinta shidaalka, “Xitaa dhalinyarada Social Media-ha ee mararka qaar baahi jirtay waxyaabaha aan habooneyn, waxaa muuqata oo aan aragnaa inay u midoobeen arrinta shidaalka,” ayuu yiri Madaxweynuhu.