Maxaa laga yiri xilka qaadista Raysilwasaare Rooble uu ku sameeyay saraakiisha ka tirsan NISA ?

23″ July “2021 Muqdisho

Daawo Afhayeenka xukuumada maxamed Ibrahim macalimuu oo shaaciyay xil ka qaadis uu raysilwasaare rooble ku sameeyay saraakiil NISA ka tirsan

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, maxamed Xuseen Rooble wuxuu xilka ka qaaday Madaxa Shaqaalaha Hay’adda sirdoonka Soomaaliya, Cabdullaahi Aadan Kulane, iyo Cabdiwahaab Sheekh cali, Taliyaha Nabad-sugidda ee Garoonka Aadan Cadde.

Afhayeenkaa xukuumada maxmed Ibrahim macalimuu ayaa sheegay In Ra’iisulwasaare Rooble uu ka jawaabay tallaabadii muwaadiniin Soomaali ah maanta looga horjoogsaday in ay ka dhoofaan garoonka Aadan Cadde,

Macalimuu waxaa uu sheegay in raysilwasaaraha uu xilka ka qaaday Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA  Cabdullaahi Kullane & taliyihii Nabad Sugidda ee groonka Aadan Cadde Cabdiwahaab Sh Cali.

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa sidoo kale amar ku bixiyay in dhammaan muwaadiniinta aan laga horjoogsan karin Garoonka Aadan Cadde iyo guud ahaan Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee Gobolka Gedo oo laga celiyay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Gudoomiyihii hore ee Gedo, Macallimuu ayaa yiri: “Aniga saaka waxaan aadnay garoonka, anigoo dareemayay in la isoo celin doono, laakiin amarkii Ra’iisul Wasaaraha ka dib waxaan qaatay in aan qofna la celin karin. Markii meeshii aan galnay, waa nala qabsaday waxaana na lagu dhahay meeshaan lama mari karo.”

“Macallimuu iyo kooxda la socoto ma mari karaan, ayaa na lagu yiri. Waxaan weydiisanay in la caddeeyo cidda na haysata. Waxaa naloo sheegay in Cabdullaahi Kulane uu nahaysto”, ayuu yiri, isagoo saxaafadda la hadlay ka dib markii la soo celiyay.

Kulane iyo Saraakiisha kale ayaa jabiyay amarkii Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ka dib markii maanta muwaadiniin ay ka garoonka hor istaageen.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa dhawaan amar ku bixiyay inaan cidna laga celin karin garoonka Aadan cadde, uuna la xisaabtami doono saraakiisha NISA iyo cid kasta oo arrintaas ku kacda

Fal,celinta laga bixiyay go,aan ka rooble

Leave a Reply