
5″ Aug” 2024″ Qaar ka mid ah carruurtii ay xaalada caafimaad aawgeed dalka Talyaaniga ugu qaaday Heyadda Hormuud Salaam Foundation ayaa dalka ku soo laabtay
Waalidiin ay wajiyadoodu ka muuqato farxad ayaa Muqdisho maanta lagu soo dhaweeyay kadib markii uu ka haray warwarkii xanuunada wadnaha ee carruurtooda
Lix ka mid ah carruurtii qabtay xanuunnada wadnaha iyo waalidiintooda oo 3 bilood ka hor hay’adda samafalka Hormuud Salaam Foundation ay safar caafimaad ugu dirtay dalka Talyaaniga ayaa ka soo dagay garoonka diyaaradaha Aadan C/lle ee Magaalada Muqdisho,Iyaga oo caafimaadkoodu uu wanaagsan yahay kadib qalliin lagu guuleystay markii loogu sameeyay magaalada Milano.
Carruurtaan oo ku dhalatay xanuunnada wadnaha ayaa la qaaday iyagoo ku jira xaalad adag
Heyada #HSF ay u mahadcelisay Dowladda Talyaaniga, ururka daryeelka hooyada iyo dhallaanka ee AMEB, iyo isbitaalka Welcare oo mashruucan ay Iska Kaashadeen.