Daawo: Golaha labada Aqal oo Ansixiyay habraaca Dib-u-eegista Dastuurka KMG 

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta shir guddoomiyay Kalfadhiga 4-aad kulankiisa 10-aad ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka oo ajandihiisu ahaa akhrinta 3-aad iyo Ansixinta habraaca dib u eegista dastuurka KMG ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxaana looga hadlay habraaca iyo sida ay ugu wada-shaqeyn karaan Baarlaanka labadiisa aqal.

Kooramka guud ee Golaha waxaa uu ahaa 184 Xildhibaan oo Golaha Shacabka iyo 36 Senator oo Aqalka Sare, Waxaana ogolaaday 201 mudane, waxaana uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay in sidaasi uu ansax ku yahay habraaca wax ka bedelka dib u eegista Dastuurka KMG.

Wasiir Xasan Macallim ” Waa ay naga go’antahay in Dastuurka wax ka beddal lagu sameeyo

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macallim Maxamuud ayaa sheegay in ay ka go’an tahay wax ka beddel lagu sameeyo dastuurka, wuxuuna faray mucaaradku in aysan qaadan doorka keli taliska.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumaadda Federaalka Soomaaliya,ayaa intaa ku daray in qorshaha wax ka beddelka dastuurku uu muddo soo socday haatanna la gaaray waqtigii lagu dhaqaaqi lahaa

Mudane Xasan Macallim Maxamuud, ayaa sheegay in howshu ay haatan marayso halkii ugu wanaagsanayd lana gaaray horumarin siyaasadeed, Baarlamaankana ay ka doodi doonaan