Daawo: Labada Aqal ee Baarlamaanka Somalia oo Cod Aqlibiyad leh ku Ansixiyeen heshiiska Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga

21-Feb-2024

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda isugu yeeray Xildhibaannada Labada Aqal.

Kulanka marka uu furmay waxaa Mooshin soo gudbiyay xildhibaano gaaraya 110, iyagoo dalbaday in ajandaha wax ka bedel lagu sameeyo isla-markaana fadhi caadi ah uu qabsoomo, waxaana ay mudanayaasha labada golle si wadar ogol ah ugu codeeyeen soojeedinta Xildhibaanada ah in ajandaha kulanka wax laga badalo.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda isugu yeeray Xildhibaannada Labada Aqal.

Kulanka marka uu furmay waxaa Mooshin soo gudbiyay xildhibaano gaaraya 110, iyagoo dalbaday in ajandaha wax ka bedel lagu sameeyo isla-markaana fadhi caadi ah uu qabsoomo, waxaana ay mudanayaasha labada golle si wadar ogol ah ugu codeeyeen soojeedinta Xildhibaanada ah in ajandaha kulanka wax laga

Madaxweynaha oo la hadlay mudanayaasha Labada Aqal ayaa ka warbixiyay xaalada guud ee dalka iyo guulaha ay dowladu ku talaabsatay, ayaa waxaa uu sidoo kale ka hadlay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Turkiga. Heshiiskan ayaa Madaxweynaha Xildhibaannada labada aqal u sheegay in uu ka hortag u yahay xaalufinta kheyraadka badda iyo horumarinta dhaqaalaha dalka

Khudbada Madaxweynaha ka dib, mudanayaasha Labada Aqal guda galeen kulanka caadiga ah ee labada aqal, ayaa waxaa Xildhibaannadda uga warbixiyay Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha ee ay wada galeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Turkiga Wasiirka difaaca dalka Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jamac) ayaa Xildhibaannada u sheegay in muhiimad gaar ah uu u leeyahay ilaalinta, midnimada iyo wadajirka ee Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

Xildhibaanada ayaa si wadajir u ansixiyeen heshiiska difaaca ee labada dowladood, waxaana ogolaaday, 213 mudane, waxaa nadiiday 3 Xildhibaan, wax ka aamusay ma jiraan. Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku dhawaaqay in heshiiskan uu ansax yahay.

Wasiirka Wasaradda Difaaca Dalka Mudane Cabdiqadir Maxamed Nuur (Jaamac) uga mahadceliyay ansixinta heshiiskan, ayaa ku tilmaamay guul taariikhi ah oo u soo hooyatay Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, isagoona xusay inuu  muhiim u yahay difaaca badda Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in heshiiskan maanta laga bilaabo uu sharci yahay.

Dhinaca kale Tallaabada taariikhi ah oo ay qaaday DFS labada gole iyo xukuumadda Dan_Qaran ayaa xoojinaya xiriirka saaxiibka wanaagsan ee Somalia inta ay ka dhisaneyso awoodeeda badda waqtigan adag

Turkigu waxa uu xulafo xiriirka adag kala dhaxeey qarankeena ahaa mudo dheer, oo ka soo bilaabaneysa ilaa qarnigii 14aad sidaas waxaa yiri Madaxweybe Xasan Sheekh

Raysilwasaaraha Somalia Xamsa Cabdi Barre” ayaa tilmaamay ahmiyadda uu ku fadhi heshiiska iskaashiga Military iyadoo horumarinta Dhaqaalaha Buluugga ahi uu u noqon karo il shaqo iyo awood dhaqaale oo ay helaan dhalinyaradeena Soomaaliyeed ee ay wajahay dhibaatooyinka cajiib ah tiiyoo dhinaca kalana ahTalaabo Niyad ku ah damaca Itoobiya

Leave a Reply