15-Feb-2024-Muqdisho
Isbadelkii ka kala dhacay Mareykanka Iyo Somalia ee meesha ka saaray xukunadii Farmaajo Iyo Trump ayaa Muqdisho Iyo Washington ka dhigay kuwa Isla jaanqaada oo wadajir u wiiqa cadowga Al-Shabaab oo dhibaato mudo dheer ah ku hayay dadka Soomaaliyeed ” Sideen Ku Nimid Halkan? Q-55aad
Madaxweynaha Soomaaliya Dr: Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladda Mareykanka ku bogaadiyay kaalintooda ku aadan garabsiinta ciidamada dowladda kadib markii Madaxweynuhu uu hadal kooban ka jeediyay munaasabad lagu saxiixay 5 xarun milatari oo Mareykanku ka dhisayo Soomaaliya si loo tayeeyo CXD.
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa markii Aqalka cad uu yimid bilaabay in uu xoojiyo taageerada ciidan ee la siiyo Soomaaliya oo halgan kula jirta kooxda argagixisada ah ee Alshabaab, taas oo dowladda Madaxweyne Xasan ka caawisay inay Argagixisada dhul balaaran ka saarto
Mareykanka ayaa kamid ah dalalka ka qayb qaata dagaalka Al-Shabaab, wuxuuna sidoo kale duqeymo cirka ah ka fuliyaa koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.
Mareykanka ayaa taageeraya dhismaha ciidanka Danab ee kumaan-doosta ee ka tirsan xoogga dalka, ee Maraykanka uu tababarada iyo taageerada ka bixiyo.
Mareykanka ayaa sidoo kale xarumo tababar ciidan ka hirgelinayaa magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo, Jowhar iyo Dhuusamareeb.
Heshiiska is-afgarad ayaa Mareykanka ku bixinayaa lacag dhan 100 milayn oo dollor.
Dowladda Mareykanka ayaa壯陽藥 luuqad adag ku cambaareeysay faragalinta Itoobiya ee ku aadan Badda Somalia