Daawo : Madaxweyne Xasan oo daahfuray Mashruuca Muqdisha-da Cusub

Soomaaliya oo ka soo kabaneysa burburkii iyo colaadihii ragaadiyay ayaa haatan cagta saartay dariiq dib u dhis iyo rajo cusub oo dhinaca maal gashiga iyo horumarka ah.

Waxaa isa soo taraya mashaariicda maalgashi iyo dib-u-dhis ee dalka laga hirgelinayo.

Dhawaan ayaa Bankiga Premier ee magaalada Muqdisho waxa uu daah furay mashruuc ay ku kaceyso boqolaal milyan, oo madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu xarigga ka jaray.

Maantana mar kale, wuxuu Madaxweynaha Muqdisho ka daah-furay Mashruuca Muqdishada Cusub oo ay ku jiraan dhismaha garoon cusub, oo ah kuwa diyaaradaha iyo dekad qaab casri ah loo dhisi doono iyo goobo amaankoodu la sugo oo shirkadu shisheeye iyo kuwa wadani ahba ay maal gashan karaan

Qorshahani waa iskutashi Qaran oo waqti kooban nooga daba geynaya Ummadihii na dhaafay. Dowladda Soomaaliyeed, waxaa ka go’an in ay qaaddo tallaabo walba oo fududeyneysa guuleysiga mashruucan oo ay ka dhalandoonaan fursado iyo shaqooyin badan oo aan hadda jirin”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Hindisahani Qaran uu caalamka u muujinayo, sida shacabka Soomaaliyeed ay uga go’an tahay in ay la jaanqaadaan dhiggooda caalamka ee horumarka ku tallaabsanaya, Dowladdooduna ay xoogga saareyso hirgelinta caddaaladda sinnaanta bulshada, sarreynta sharciga, hufnaanta iyo maamul-wanaagga.

Munaasabadda Daah-furka Hindisaha Qaran ee Muqdishada cusub, waxaa ka qayb galay Ra’iisulwasaaraha XFS Mudane Xamse Cabdi Barre, Wasiiro, Xildhibaano, qaar ka mid ah Danjireyaasha dalalka caalamka u jooga dalkeenna iyo ganacsato Soomaaliyeed.