Daawo: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiiqada xadgudubka itoobiya ee bada Somalia 🇸🇴 iyo cawaaqibka ka dhalan kara

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xaqiiqada xadgudubka itoobiya ee bada Somalia 🇸🇴 iyo cawaaqibka ka dhalan kara ku dhibciyay dhagaha hogaamiyayaasha shirka Isbaheysiga dalalka dhaxdhaxaadka ah oo uu dhax fadhiyo Abiy axmed

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ka baaqsaday inuu galo sawirka loo dhan yahay (Photo Group) ee shir-madaxeedka 19-aad ee dalalka dhex-dhexaadka ah oo maanta ka dhacay Kampala.

壯陽藥 pe-rich is-provider-twitter wp-block-embed-twitter”>

Madaxweynaha oo ka qeyb-galay shir-madaxeedkaasi ayaa balse kasoo muuqan sawirka loo dhan yahay ee shirka, kaasi oo sidoo kale uu ka qeyb-galay ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Cali.

Waxaa sawirkaas kasoo dhex muuqday Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Soomaaliya Saalax Jaamac, kadib markii madaxweynaha uu ka maquurtay inuu kasoo ag muuqdo Abiy, xilli ay meel xasaasi ah mareyso xiisadda badda.

Madaxweynaha Jamhuuriydda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad u jeediyey hoggaamiyaasha dalalka isbaheysiga dhex dhexaad ka ah (NAM) ayaa si adag u soo bandhigay mowqifka dowladda Soomaaliya ee ku aaddan xadgudubka Dowladda Itoobiya iyo cawaaqib xumada uu keeni karo haddii aanan si wadajir ah looga falcelin.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri “ Cawaaqib xumada ka dhalan karta is-afgaradkan waa wax aad looga xumaado mana ahan kaliya mid khatar ku ah madax-banaanida dhuleed ee Soomaaliya, Sidoo kale , waxa uu halis ku yahay xasilloonida gobolka waxuuna fursad cusub siinayaa argagixisada ka jirta gobolka.

Leave a Reply