Daawo” Madaxweyne Xasan shiikh oo Kismaayo kaga dhawaaqay Ololaha dardar gelinta wajiga labaad ee ka xoreynta dalka Argagixisada shabaab

3″ March “2023

Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa Magaalada Kismaayo kaga dhawaaqay dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in argagixisada Khawaarijta Alshabaab laga saaro deegaannada ay ku dhibaateynayaan shacabka Soomaaliyeed ee Jubbooyinka, Shabeellada Hoose, Bay iyo Bakool,

Madaxweyne Xasan ayaa hadalkan ka sheegay tukashada salaadda Jimcaha oo uu ku oogay Masjidka Madaxtooyada Jubaland ee Magaalada Kismaayo, hallaas oo uu kula hadlay dadka masuuliyiinta maamulka Jubaland iyo dadweyne la qeybgalay salaada jimcaha

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay hoggaanka dhaqanka iyo siyaasiyiinta deegaanka in ay doorkooda ka qaataan qorsheyaasha dib u xoreynta, dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaanada dowlad-goboleedka Jubaland.