28″ September “2023
Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maanta xukuno kala duwan ku ridday illaa 11 sarkaal oo ka kala howlgalayay hay’adaha kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haystay musuq-maasuq, gaar ahaan xatooto xoolow dadweyne.
Raggan oo isugu jiro, agaasimeyaal, madax waaxeedyo iyo shaqaale caadi ah ayaa qaarkood la xukumay, halka kuwa kalena dib loogu celiyay xorriyadooda.
Dadka la fasaxay ee dambiga lagu waayay waxaa kamid ah Cabdullaahi Maxamed Cali (Suldaan) oo ahaa agaasimihii hore ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada, kaas oo xilka laga qaaday inta uu xirnaa iyo Maxamed Cadde Mukhtaar oo xilkaas uga horeeyay
Haddaba maxaa laga yeelayaa mas’uuliyiinta dambiga lagu waayay?
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo isugu horay u iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah musuqa ayaa u sheegay in cid kasta oo lagu helo dambi laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan, ciddii lagu waayana la abaal marin doono.
Hadaba Hoos Ka Dheeho SNTV