17- Aug-2023- Dhuusamareeb”
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku gacan seyray suurtagalnimada in la aqbalo isku day kasta oo lagu qabyaaladeynayo dagaalka lagula jiro Argagixisada Al-Shabaab.
Madaxweynaha oo ka jawaabayay su’aalo furan ayaa hadalkan ka jeediyay kulan dadweyne oo ka dhacay magaalada Dhuusomareeb,
Hadalka Madaxweynaha Somalia Xasan Shiikh Maxamuud ayaa meesha ka saaraya tallaabo kasta oo fursad u noqon karta sii daba-dheereynta jiritaanka Argagixisada oo dhibaato ku haysa bulshooyinka ku sugan meelaha ay weli dalka ka joogaan.
Kooxda Alshabaab ayaa in mudo ahba dadka deeganada ay ku amar-taagleeyso waxay ka iibin jirtay fikir hada sii dhimanaya oo u muuqda mid aan shaqeynyn oo ah inay iska difaacaan beelo duulaan ah dhulkooda
❗Waxaa iga go’an inaan tago goob walba oo Khawaarijta laga xoreeyo, iyadoo horay la iigu sheegay meelaha qaar in amnigeyga uu halis ku jiro, hadana ma jirto sabab aan dib Isugu dhigo iyadoo wiilal dhalinyaro ah ay naftooda hurayaan.” Ayuu yiri”Madaxweyne Xasan Sheekh”