29- May-2023- Muqdisho
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlayay furitaanka Kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka Federaalka ayaa sheegay in wax kasta oo Golaha Wadatashiga Qaran soo gaareen uu yahay heshiis siyaasadeed, Heshiis siyaasadeed aan dalka lagu dhaqi karin, balse dalka lagu dhaqo sharci iyo Dastuur.
Wax kasta oo Golaha soo gaaray waa heshiis siyaasadeed, heshiis siyaasadeed dalka laguma dhaqee, sharci ayaa dalka lagu dhaqaa, dastuur ayaa lagu dhaqaa, intaas meesha ay ka soo baxaan waa Golaha Shacabka. Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka labadiisa aqal sharci aan soo marin oo dib u eegis Dastuur aan soo marin oo qodobada dastuurka aan halkaan looga doodin, dalka laguma xukumi karo, lagumana dhaqi karo”
Hadalka madaxweynaha ayaa u muuqda inuu hoos ugu dhigayo diidmada culus ee lagala horyimid qodobada kasoo baxay ahirkoodii u danbeeyay ee golaha wadatashiga qaran.
Si kastaba, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo madax hore oo ay kamid yihiin Xasan Cali Kheyre iyo Cumar Cabdirashiid, Cabdiweli Sheekh iyo Shariif Xasan ayaa si adag uga horyimid war-murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka