Daawo: Maxay ka yiraahdeen Masuuliyiinta Dowlada ee ka hadashay Dibadbaxii maanta ?

Wasiiru dowlaha wasaaradda Amniga Gudaha Xildhibaan Maxamed Cali Xagaa,oo ka qeyb galay dibadbax looga soo horjeeday weerarkii ay khawaarijtu ku xasuuqaday dad shacab ah oo ku sugnaa Xeebta Liido ayaa shacabka soomaaliyeed ugu baaqay in ay la shaqeyaan ciidamada amniga sii loo soo afjaro haraadiga khawaarijta ay bulshada ku dhax dhuumanayo.

Wasiir Xagaa ayaa tilmaamay in gaba-gabo marayaan khawaarijta oo ay naf la caariyihin,dhalinyaradan looga baahanyahay in aysan niyad jabin oo ay garab istagaan geesiyaasha qaranka.