Daawo: Odayaasha Dhaqanka Hawiye oo qaaday tallaabo kale Iyo Xildhibaan Yusuf geele oo u jawaabay

Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Hawiye oo mar kale shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan xiisadda u dhexeysa Soomaaliya iyo Itoobiya

Odayaasha ayaa shirkooda si gaar ah diiradda ugu saaray muranka ka dhashay xildhibaannadii taageerada u muujiyay Itoobiya oo dhalisay carro aad u xoogan.

Ugu horreyn waxay ka biyo diideen raalli-gelin la siiyay xildhibaannada Koonfur Galbeed oo ay u tageen xildhibaanno kale oo kasoo jeeda Hawiye, kuwaas oo raalligelin siiyay, waxaase arrintaas haatan ka horymid oo xiisadda dab kusii shiday odayaasha Beelaha Hawiye.

Nabadoon Cabdinuur Axmed Diiriye oo ah Afhayeenka Beelaha Hawiye oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in xildhibaannada bixiyay raalligelinta iyo kuwa taageeray Itoobiya ay isku mid yihiin, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaa jiro xildhibaanno Beelaha Hawiye kamid ah oo siyaasadda ku metala ayaa raalli-gelin ugu tegay xildhibaannadii dareenka shacabka Soomaaliyeed geliyay ee Itoobiya ku taageeray baarlamaanka hortiisa, haddaba waxaa isla qaadanay in xildhibaanaddii tegay shalay iyo kuwii hore ay isku mid yihiin” ayuu yiri afhayeenka Beelaha Hawiye.

Sidoo kale wuxuu raaciyay “Wax lala yaabo oo ugub ah waxaa ah nin xildhibaan ah oo odayaashiisii raalli-gelin ka bixinaya oo xaal ka bixinaya, waa wax aan la arag oo la maqal”.

Waxaa kale oo uu Nabadoonku ku baaqay in shacabka Soomaaliyeed ay ilaashadaan wadajirkooda, ayna difaacaan madax bannaanida dhuleed ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

“Waxaan rabaa marka ugu horreyso inaan caddeyno in Odayaasha Hawiye ee Soomaaliyeed aysan cidna colaad, xumaan iyo dagaal midna aysan u qabin, haddana u qabin waan u taaganahay midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana ug baaqeynaa shacabka inay gacmaha is qabsadaan oo wadajirkooda ilaashadaan, dalkooda ayn difaacdaan” ayuu yiri afhayeenku.

Xildhibaan Yuusuf Geelle oo u jawaabay Odayaasha Hawiye

Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas oo kamid ah mudanayaasha Golaha Shacabka Soomaaliya oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa u jawaabay odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye oo ka horyimid dadaal ay isaga iyo xildhibaanno kale sameeyeen kuna raalligeliyeen xildhibaannada Koonfur Galbeed.

Yuusuf Geelle ayaa marka hore raalligelin buuxda siiyay odayaasha, wuxuuna sheegay in ujeedkooda uu ahaa in la’isku soo dhowaado oo si deganaan ah loo dhameeyo muranka taagan.

“Waxaan rabaa inaan ka hadlo waxqabadkii maalmahan aan ka shaqeyneynay annaga oo u istaagnay aniga iyo xildhibaanno kale in mad-madow aan dhammeyno oo ka dhex jiray baarlamaanka ayaa haddane arrintaas waxa ay keentay dhinaca kale teamka kale oo odayaal ah inay si kale u arkaan” ayuu yiri Xildhibaan Yuusuf Geelle Ugaas.

Sidoo kale wuxuu sii intaasi sii raaciyay ‘Waxaan rabaa Ummadda Soomaaliyeed hortooda in aan raalligelin ka siiyo odayaashaas oo ah odayaasheennii wax kasta oo ay dhibsadeen oo shaqada aan ka shaqeyneynay ay ka dhibsadeen waxaan rabnaa inaan ka raalligelino”.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay arrinta badda, wuxuuna farriin culus oo midnimo ah u diray xildhibaannada labada Gole oo uu ugu baaqay inay u midoobaan difaada dalka.

Abiy Axmed baarlamaankiisa ayaa waxa uu ka dhaadhicinayaa inuu dhulkeenna qabsado saas darteed baarlamaanka sharafta leh waxaan ka codsanayaa inaanan ku kala qaybsamin inaan badda difaacno oo dalka iyo dadka aan Itoobiya ka difaacno” ayuu mar kale yiri.

Odayaasha Beelaha Hawiye oo xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si weyn uga horyimid dhaq-dhaqaaqa xildhibaannada ee ka socda caasimada, waxay si gaar ah u diideen in raalligelin la siiyo xildhibaannadii horay u taageeray Itoobiya.