Daawo Qarax Caawa Ka dhacay Hoteel ku yaal Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho

Ilaa 4-Qof oo ismiidaamiyaal ah ayaa isku qarxiyey Hoteelka Peach Veiw ee xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho xili ay dad badan ku caweynayeen

Lama oga weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay qaraxan, waxaana haatan xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.

Waxaa lasoo werinayaa in Hoteelka gudahiisa laga maqlayo rasaas taas oo loo maleynayo in laga dhex dagaalamayo.

Sidoo kale waxaa soconayo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada gaartay ayada oo goobta ay gaareen ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka dowladda Soomaaliya.

Waxaa adag in loo gurmado dadkii dhaawacmay iyo kuwii dhintay oo daadsan barxadda weyn ee xeebta Liido, magaalada Muqdisho caawa aad ayey u kacsan tahay xaaladu.

Ciidamada Amniga ayaa wada hawlgal isugu jira gurmadka shacabkii Khawaarijtu waxyeelaysay iyo soo afjarista Maleeshiyaad ka tirsan Khawaarijtii weerarka soo qaaday.