Daawo: R/Wasaare Xamsa Oo dadweyne fara badan kula caweeyay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho xilli habeenimo ah.

20″May”2024″ Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha XFS, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada,guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa bulsho badan kula caweeyey xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa damaashaadka xeebta liido,ku muujiyay nabadda iyo xasilloonida ka hirgashay caasimadda dalka ee Muqdisho, isaga oo kula dardaarmay in ay sii xoojiyaan doorka kaga aaddan nabadda iyo isdhexgalka.

Ra’iisul Wasaaraha booqashada waxa ku wehliyay madaxweynayaasha dowlad Goboleedyadda Galmudug,Jubaland ,Hirshabeelle, Wasiiro ka tirsan XFS iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir