Daawo :R/Wasaare Xamze oo maanta Furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga Ah Ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa furay Shirka Maalgashiga Dhaqaalaha Buluugga ah ee Soomaaliya oo lagu soo bandhigayo fursadaha maalgashi ee kheyraadka badaheenna

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Bare, ayaa ku dhiirigeliyay maalgashadayaasha gudaha iyo dibaddaba inay ka faa’iideystaan ​​fursadaha badan ee ay ku maalgashan karaan dhaqaalaha buluugga ah ee Soomaaliya.

Waxa uu tilmaamay Ra’iisul Wasaaruhu in degenaansho la’aanta iyo colaaddaha ka jiray dalka ay horseedeen in laga faaiideysan waayo kheyraadka dalka. Isaga oo caddeeyey in Soomaaliya ay hadda diyaar u tahay in lala ganacsado oo lala faai’ideysto, xukuumadduna ay meelmarisay shuruucdii hagi lahayd maalgashiga dalka

Shirka oo soconaya muddo labo maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Wasiirro ka tirsan Xukuumadda F. Soomaaliya, Wasiirrada Kalluumeysiga Maamul goboleedyada, Safiirro iyo shirkado caalami ah oo daneeya kheyraadka badaha

Leave a Reply