Daawo: Siciid Deni oo shaaciyey in Puntland ay Sameesaneyso Lacag U Gaar Ah

Nadaxweynaha Maamulgoboleedka Putland Siciid Deni ayaa sheegay in Puntland ay bilowday daraasad ku saabsan in ay sameysato lacag iyada u gaar ah.

“Dowladda Puntland waxay bilowday daraasada sameynta Lacag u gaar ah Puntland, sida wadamada Federaalka adduunka qaar ka mid ah u leeyihiin, Lacagtaasi oo mustaqbalka la jaan qaadi doonta nidaamka Maaliyadda Soomaaliya marka miyirka iyo Maskaxdu soo noqoto” ayuu yiri madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Sidoo kale wuxuu ku eedeeyay dowladda dhexe inay ka gaabisay sameynta lacag cusub, balse ay hadda iyagu tashan doonaan, haddii aan la helin lacag cusub oo uu yeesho dalka.

Puntland ayaa horay u qaadatay go’aanno ka dhan ah dowladda federaalka, waxaana ugu dambeeyay in dhowaan ay ku dhowaaqday in xiriirkii u jartay dowladda dhexe, ayna u dhaqmeyso si madax banaan, kadib khilaaf soo kala dhex-galay Deni iyo Xasan Sheekh.