Daawo: Wafdi Isugu jira wasiiro iyo Xildhibaano dowladda fadaraalka oo gaaray Laascaanood

14- September-2023

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Aqalka Sare oo ka kooban xildhibaanno ka tirsan labada gole iyo Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoloojiyadda ayaa maanta gaarey magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool.

Wefdi oo gaaraya ilaa 40 xubnood oo isugu jira wasiiro, Xildhibaanada labada aqal ee dowladda federaalka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, xili Putland ay ku dhawaaq犀利士 day in deegaanada Sool iyo Sanaag ay ka mid yihiin dhul hoos taga maamulkooda

Ujeedada safarka masuuliyiinta dowladda federaalka ayaa lagu sheegay mid taageero ah oo loo muujinaayo reer Sool.

Qaar kamid ah wefdiga oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in ay u kuur geli doonaan xaaladda gobolka guud iyo sidii dowladda federaalku u taageeri lahayd

Leave a Reply