Friday ” 11 ” June” 2021 ” Muqdisho
Qaar ka mid ah waalidiinta carruurtooda tababarka loogu qaaday dalka Eritrea ayaa dhigay cabasho ay ku dalbanayaan in carruurtooda meel lagu sheego
Mid ka mid ah waalidiintan ayaa ku calaacashay in ay u baahan tahay wiilkeedii oo kali ku ahaa ”
O’Day kale ayaa codsaday in labo dhalinyaro ah oo midna uu aabbe u yahay midna uu adeer u yahay ay ka maqan yihiin markii horena loo sheegay in dalka Qadar la geynayo balse la geeyay dalka Eritrea illaa iyo hadda uusan ka warqabin inay nool yihiin iyo inkale.
Maamulka waqtigiisu dhamaaday ee farmaajo ayaa ka gaabsanayay ilaa iyo mudo sanad ah ka hadalka dhalinyarada loo qaaday Eritrea balse Qaramada midoobay ayaa todobaadkan xaqiijisay in loo adeegsaday ka qaybgalinta dagaalka gobolka tigray
FALCELINTA LAGA MUUJIYAY DAREENKA WAALIDIINTA
Wasiirka Amniga Galmudug Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa bartiisa soo dhigay erreyo uu ku muujinayay fakcelinta dareenka waalidiintaas waxaanu yiri ”
Oohinta ka qubanaysa hooyooyinka iyo aabayaasha wiilashoodii loogu qaaday tababarka dalka Eritrea ee ka waayay war iyo wacaal waxay noqotay uur-kutaallo iyo murugo joogta ah, waxaana muuqata in aysan helin cid dawaysa dareenkooda iyo tabashadooda. Xogta kaliya oo ay ka helayaan wiilashooduna ay noqotay mid welwelkooda sii kordhinaysa.
Waxaa la joogaa waqtigii si geesinimo leh ay waalidiintaas iyo umadda u soo hor istaagi lahaayeen madaxda dalku oo ay ka run-sheegi lahaayeen xogta rasmiga ee dhallinyaradaas iyo waqtiga dalka dib loogu soo celinayo.