Xogta laga hayo markabka kalluumaysiga ee burcad badeeddu ku haystaan xeebaha Puntland

Tan iyo horraantii bishan ayaa xeebaha maamul-goboleedka Puntland waxaa lagu haystaa markab kalluumeyssi oo laga leeyahay Shiinaha.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya cidda haysata markabka. Hase yeeshee intooda badan waxay sheegayaan in markabka uu gacanta ugu jiro burcad badeed hubaysan.

Warar kale oo laga soo xigtay ilo ku dhow maamulka waxay sheegayaan in markabka ay qafaasheen rag ilaalo ka ahaa.

“Labo ilaa seddex qof oo markabka ilaalinayey ayaa qafaashay, waxayna u yeerteen rag hubaysan oo dhanka berriga uga yimid. Xogta aan ilaa hadda hayno waa in tobaneeyo nin oo hubaysan ay markabka gacanta ku hayaan” ayuu u sheegay BBC qof ka mid ah ilaha dhanka amniga ee Puntland oo magaciisa aan qarinay.

Wuxuu intaa ku daray in markabka lagu hayo inta u dhaxaysa xeebaha Eyl iyo Bayla, gaar ahaan meel ku beegan deegaan lagu magacaabo Marrayo.

Wuxu kaloo mas’uulkaas sheegay in inta la ogyahay ilaa hadda ay shaqaalaha markabkaas yihiin 18 qof, kuwaasoo u dhashay Shiinaha, ama badankood ah muwaadiniin Shiinees ah.

Wararka qaar waxay sheegayaan in burcad badeedda ay diideen boqolaal kun oo doollar oo madax furasho ahaan ay u bixin lahayd shirkad Soomaali ah oo mas’uul ka ah markabka sida ay sheegtay hay’ad ka shaqaysa la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta.

Hay’adda oo soo xiganaysa dadka deegaanka ayaa tiri “Kalluumaysato deegaanka ah ayaa sheegay in doontu ay u soo dhawaatay Eyl, Soomaaliya, Jimcihii, laakinse burcad badeedda ayaa dib ugu celiyey badweynta ayagoo ka cabsi qabay ilaalada xeebaha Puntland”.

Waxay intaa ku dartay “arrintan ayaa muujinaysa dib u soo noqoshada burcad badeedda Soomaaliya ka dib sannado uu dhaqdhaqaaqooda hoos u dhacay. Kiisaskaas oo kale oo uu ku jiro markab xamuul oo Bangladesh laga leeyahay ayaa horraantii sannadkan iftiimiyey khatarta sii weynaaneysa ee marinnada muhiimka u ah maraakiibta, iyo degenaanshaha gobolka”

Haddaba maxaa keenay dib u soo laba-kaclaynta burcad badeedda e xeebaha Soomaaliya, maxaase laga qaban karaa? Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) waa taliyihii hore ee sirdoonka Puntland wuxuuna qabaa in duruufaha hadda jira ay qayb ka yihiin dib u soo noqoshada burcad badeedda.

“dalka ma laha fursado badan oo dhaqaale, taasna waxay keenaysaa in dhallinyaradu ka fekeraan qaabab kale oo dhaqaale xumada iyo shaqo la’aanta ay kaga gudbaan. Qayb ahaan, arrintaas waxay keenaysaa in aynolol raadiyaan, kana raadiyaan badda. Caqabadaha ay la kulmaan waxaa ka mid ah kalluumaysiga sharci darrada ah iyo qaar laysan kalluumaysi la siiyo oo hubin iyo koontarool badan lahayn, kuwaasoo badda aad ugu jira” ayuu yiri Cabdi Yare.

Markabka

Wuxuu intaa ku daray in kalluumaysatada ruqsadaha la siiyo ay yimaadaan meelo aan ahayn meelihii loo asteeyey, sidaa darteedna ay taasi keento in kalluumaysatada yaryar ay dhibaato kala kulmaan, sida in laga jiiro shabakadihii iyo qalabkii kalluumaysiga.

“Taa waxay keentay in dhallinyaradu ay caro ka qaadaan, ayadoo ay u dheer tahay in burcad badeednimada looga bartay in lacago badan laga sameeyo. Arrimahaasoo isbiirsaday iyo hay’adihii koonatroolka badda ku shaqada lahaa oo meesha ka maqan” ayuu yiri Jeneraal Cabdi Yare.

Xalka ayuu u arkaa in dhowr qodob la sameeyo si looga baaqsado in ay xoog u soo laba kacleeyaan hawlgallada burcad badeedda.

“Waxaa muhiim ah in la hawl galiyo hay’adihii ku shaqada lahaa ilaalinta badaha, kuwaasoo maraakiibta ajnabiga ah ka ilaalinaya inaysan ku xadgudbin sharciga waddanta u yaalla iyo hantidiisa”.

Wuxuu intaa ku daray Cabdi yare in hay’adahaas loo baahan yahay in ay maraakiibta ka ilaaliyaan burcadbadeedda, halka uu qodobka 3aadna ku tilmaamay in dhallinyarada loo sameeyo barnaamijyo shaqo abuur.

“70% tirada guud ee Soomaalida waa dhallinyaro, sidaa darteed inay qori qaataan oo ay si xun nolol ku raadiyaan danta ayaa ku khasbaysa, waxayna u baahan yihiin in la jiheeyo, maamullada dalaka ka jira iyo dawladda federaalkana ay la yimaadaan siyaasad cad oo lagu jihaynayo dhallinyarada” ayuu sii raaciyey.

Puntland ayaa saraakiil ka tirsan waxay hore u sheegeen in aysan dhiirri gelinayn in madax furasho la dhiibo, ayagoo doonaya in talaabo amni ay ka qaadaan. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in milateriga Shiinaha ee fariisinkoodu yahay Jabuuti ay isha ku hayaan markabkan la haysto.